Taliska ciidamada Danab ayaa shaaciyey inay howlgal ku dileen horjooge ka tirsan Alshabaab, kaasoo qabilsana Arrimaha Maaliyada.
Howlgalka ayey ciidamada Danab ka fuliyeen tuullooyin ku yalla inta u haxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose. Waxaa Howlgalka lagu dilay ila 6 maleeshiyo oo ka tirsanaa Ururka Alshabaab iyo horjoogihii watay.
“Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidka.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Danab.
Horjoogaha la dilay ayaa Al-shabaab u qabilsanaa dhanka so uruurinta lacagaha islamarkaana Ururka ku fulin jireen weerarada iyo ismidaaminta. Sido kale howlgalka ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Kooxda.
