Ciidamada kumaandooska ee xoogga dalka ayaa la wareegay degmada Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose oo ay hore uga talinayeen maleeshiyada Alshabaab.
Dagaal kooban kadib ayaa la sheegay inay duhurnimadii maanta Ciidamada Danab gudaha u galeen Xarunta Degmad Awdhgeele oo hore dhowr jeer ay labada dhinac ula kala wareegeen, waxaana ciidamada ay isku fidiyeen qaybaha kala duwan ee degmada.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa isaga baxay degmada Awdheegle iyadoo aan dagaal weyni halkaas ka dhicin, taasoo qeyb ka ah istiraatiijiyada ay ku dagaalamaan Alshabaab oo weerarradoou yihiin kuwo kedis ah, balse aan dagaal toos ah la gelin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowaldda ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle, ciidammaduna haatan ay wadaan baaritaano balaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.