Warbaahinta Kenya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka qortay dagaalkii maana ka dhacay Xuduudka Somalia iyo Kenya ee u dhaxeeya magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, iyadoo saraakiisha ka baxsatay dagaalka ay ciidamada Kenya geeyeen Saldhigga Booliska Magaalada Mandhera.
Muuqaalka ilaa 30 sarkaal oo ka tirsan ciidamada taabacsan C/rashiid Janan maamulka Jubbaland ayaa la shaaciyey iyadoo ciidamada Kenya ay u galbinayaan saldhigga Mandhera, markii looga awood roodaanay dagaalkii xuduudka ee ay la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayna u firxadeen dhinaca Mandhere Kenya.
Warbaahinta Nation ee Kenya ayaa sheegtay n ciidamada Kenya ay taageerayaan Wasiir C/rashid Janan iyo ciidamada taabacsan Jubbaland, iyadoo caddeysay in ciidamada Jubbaland ee ka dagaalamayey xuduudka Soomaaliya laga awood roonaaday, markii ay soo baxsadeenna ay ciidamada Kenya u soo galbiyeen saldhigga Booliska Mandheera oo ay ilaalo ka hayeen ciidamada milateriga Kenya.
Dagaalka maanta ayaa saameyn ku yeeshay magaalada Mandheera oo gancsigii la xiray, isla markaana isgaarsiinta hawada laga saaray, iyadoo magaalada ay ku dhaceen rasaas habow ah oo dad ku waxyeeleysay.



