Ciidamada Sirdoonka iyo denbi baarista Kenya ee magaalada Nairobi ayaa gacanta kusoo dhigay madixii ka danbeeyay afduubkii loo geystay haweeney Somaali ah oo lagu magacaabo Xafsa Maxamed Luqmaan.
Waaxda dambi baarista dalka Kenya DCI-da ayaa soo bandhigay laab qof oo Nin lagu magacaabo Jackson Njogu, 24 sano jir ah iyo Hafsa Abdi oo 21 sano jir ah oo xiriir jaceyl ka dhaxeeyay oo lagu soo qabtay howlgal ay qaadeen ciidamada Sirdoonka Kenya.
Hay’adda denbi baarista Kenya waxay shaacisay in labadan qof ee lasoo qabtay lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii 15-kii bishan loo gaystay Xafso Maxamad Luqmaan oo ahyad ganacsato.
Howlgalka ayaa la fuliyay aroornimadii hore ee maanta waxaana lagu bartilmaameedsaday goob ay eedeysanayaasha ku dhuumaaleysanayeen. Hay’adda waxa ay intaasi ku dartay in labada ruux ee ay soo qabteen ciidamada amniga iyagoo ku sugan hotelka Crystal view lodge ee degaanka Kinangop, maamulka Nyandarua.
Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cid waliba ay uga digayaan afduubka, qof walba oo falkaasi lagu helana la ciqaabi doono.
Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa 15-kii bishan June lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi, waxaana ugu dambeyn Booliska ay soo bad-baadiyeen 20-kii bishan, kadib marki guri afduub ahaan loogu heystay oo ku yaalla tuulada Matopeni ee deegaanka Kayole.