Friday, March 28, 2025

Ciidamada Kenya oo Hoobiyeyaal ku riday magaalada Beled-Xaawo & Xuduudka labada dal oo la xiray..

Xaaladda magaalada Beledxaawo ayaa saaka degan, iyadoo saaka la sheegay inay ciidamada Kenya hoobiyeyaal ku rideen xaafado ka tirsan magaalada Beledxaawo.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee arrimaha bulshada Axmed Barre Sheekh C/llaahi ayaa sheegay in saaka aroortii ay laba Hoobiye kusoo rideen magaalada Beledxaawo, kuwaasoo aan qasaare nafeed geysan, wuxuuna intaas ku datay in ciidamo fara badan ay Kenya soo dhoobay xuduudka labada dal.

Wuxuu intaasi ku datay in dowladda Kenya si gardarro ah u taageereyso maleeshiyada Axmed Madoobe, isla markaana haddii aysan dagaalkii shalay ku waano qaadan ay u sheegayaan inaysan Soomaaliya ahayn sidii hore ayna leedahay dowlad ka talisa dalka sida uu yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON