Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay horjooge ka tirsan Alshabaab oo si weyn caan uga ahaa degaanadaasi, markii weerar gaadmo ah lagu qaaday.
Horjoogaha oo lagu magacaabo Ibraahim Macalim Cabdi, loona yiqiin (Ibraahim Ganey) ayaa la xaqiijiyey inay ciidamo taageersan maamulka K/Galbeed ku dilaan inta u dhaxeysa Berdaale iyo Aw-diile, Gobolka Baay, waxayna ka furteen hub iyo saad kale.
Horjooge Ibraahim Ganey ayaa la sheegay inuu la socday nin maleeshiyo ah oo goobta ka baxsaday marka weerarku dhacay, waxayna dadka degaanka sheegeen inay weerarka qaadeen maleeshiyo degaanka ka tirsan oo Alshabaab la dagaalanta.
Hubka howlgalka lag furtay ayaa gaaraya 2 Qori Ak 47 ah iyo bistoolad Makaaroof uu watey iyo 8 khasnadood, Mobile iyo agab kale oo uu watay.
