Ciidamada Kenya ee ka tirsanaa AMISOM ayaa ka baxay xarumo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana la wareegay ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugnaa.
Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Kismaayo oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hadda gacanta ku haya amniga Garoonka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo muddooyinkii dambe ay shaqaaqooyin ka dhaceen markii maamulka Axmed Madoobe xayiraad ku soo rogay musharixiinta la tartameysa.
Qorshaha ciidamada Itoobiya ay kula wareegeen amniga Garoonka Kismaayo ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo Jubbaland ay galeyso doorasho madaxweyne iyo Baarlamaan, waxaana wararku sheegayaan in saraakiisha Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Kismaayo uu kulan gaara dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wadahadleen amniga Garoonka.
Madaxda AMISOM ayaa ku sii jeeda Magaalada Kismaayo, iyadoo la filayo inay kulamo la qaataan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo madaxda maamulka Jubbaland.