Wednesday, September 18, 2024

Ciidamada Itoobiya iyo Eritrea oo Dagaal Culus ku qaaday Gobolka Tigray iyo xog laga helay

Dagaallo culus ayaa sii xoogeystay Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib weerar la sheegay inay wadajir u qaadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea.

Jabhadda Tigray ayaa sheegtay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ereteriya ayweerar ku ekeeyeen magaalada Adyabo ee Gobolka Tigray, u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Tigreega, inkastoo wakaaladda wararka ee Reuters aysan u suurtagelin in ay si madaxbannaan u xaqiijiso warbixinta.

Afhayeenka Jabhadda Tigray Getachew Reda ayaa sheegay in labada ciidan ee Itoobiya iyo Eritrea ay subaxnimadii hore ee saaka weerar saf ballaaran oo afar jiho ah ku qaadeen degaanka Adyabo ee Waqooyi-galbeed ee Tigray.

Dowladda Eritea ayaa marar badan beenisay inay ciidamadeeda ku jiraan dagaalka Gobolka Tigray, basle mar danbe ayey qiratay inay ciidamadeeda ka qeyb galeen dagaalka, iyadoo weli ay ciidamo ka joogaan gudaha Itoobiya.

Ad

Colaadda ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda Tigray ayaa dib u qarxay toddobaadkii hore, markii ay burburtay xabbad joojin muddo bilo ah jirtay, waxaana dagaalka ka dhashay qasaare baaxad leh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON