Wararka lagahelayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo gadooday Gobolka Bakool iyo maleeshyada Macawisleyda Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan oo si lama filaan ah ku dhacay ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana wararku sheegayaan inuu ka dhacay tuulada Afqurun u dhow degaanka Far-Libaax ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo qasaare weyn ka dhacay.
Ciidamada Itoobiya ee gadoodsanaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyagoo khilaaf dhex maray sarkaalka iyo taliska ciidamadaasi ay hoos tegayeen.
Dhowaan ayey ahayd markii laba askari oo Itoobiyaan ah oo iyaguna gadoodsan ay ka tageen ciidamadii ay ka tirsanaayeen ku sugnaa garoonka degmada Waajid, iyagoo markii ay danbe ay dileen Alshabaab, hubkana ka qaateen.
Waxaa sii kordhaya khilaafka dhex yaalla ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool oo laba dhacdo ay qabsadeen maalmihii ugu danbeeyay, waxaana ciidamadii ugu danbeeyay ay u jiheysteen xuduudka Itoobiya.