Sunday, January 26, 2025

Ciidamada Israa’iil oo soo riday Diyaarad Dagaal oo Suuriya leedahay & Duuliye ku dhintay

Ciidamada Israa’iil ayaa soo ridday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Suuriya oo ay ku eedeysay inay dul mareysay hawadeeda gaar ahaan koonfurta buuraha Golan ee ay ka heysato Suuriaya, sida uu sheegay militariga Yuhuudda.

Militariga Israa’iil waxay bartooda Twitter-ka kusoo qoreen inay labo Gantaal oo nooca Patriot ku ganneen diyaaradda dagaalka ee Suuriya oo ah nooca Sukhoi oo hal Mile ama 2 KM gudaha usoo gashay hawada Israa’iil ee Buuraha Golan oo ah dhul ay Israel ka heysto.

Dowlada Suuriya aya sheegtay in diyaaradda ay howlgal ka waday dhulka ku dhow Buuraha Golan oo saldhig u ah kooxo argagixiso ah, waxaana la sheegay inuu dhintay duuliye ka mida labadii duuliye ee waday diyaaradda oo lagu magacaabo Cimraan Marci, halka midkii kale la la’ yahay.

Ad

Suuriya ayaa ku eedeysay Israa’iil inay si gardarro ah u beegsaday diyaaradda dagaal ee ay leedahay oo howlgal ka waday degaank Waqooyi Bari ee Suuriya oo kooxda Daacish ay maamusho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON