Waxaa magaalada Beledweyne ka socda qabanqaabada soo dhoweynta Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku wajahan magaaladaasi.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne halkaasi u tegay soo dhoweynta Cali Guudlaawe, kadib markii ciidamada dowladda ay sugeen amniga magaalada.
Ciidamado badan oo ilaalo u ah Guudlaawe ayaa gaaray magaalada Beledweyne, iyadoo lagu wado in daqiiqadaha soo socda uu halkaasi gaaro wafdiga Cali Guudlaawe. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in diyaaradii uu la socday ay goor dhoweyd ka duushay magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, halkaasoo ay ku baxeen ciidamada milateriga ee sugaya amniga magaalada.
Safarka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid ayaa waxaa ka horjeeda kooxda kacdoonka Gobolka Hiiraan oo ka digtay in si xoog ah uu halkaasi ku tago Guudlaawe.
War cusub
Cali Guudlaawe ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Beledweyne, iyadoo ay kusoo dhoweeyeen ku xigeenkiisa, mas’uuliyiinta Gobolka Hiiran, ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo dadweyne fara badan.
