Dowladda Soomaaliya yaa ashaacisay in Ciidamada Hay’adda NISA ay howlgal qorsheysan oo ka dhjacay Gobolka SH/Hoose ku dileen 21 maleeshiyo oo ka tirsan alshabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka la qaaday, kadib markii la helay xogta koox Jabhadda Khawaarijta ka mida oo dagaal isu diyaarineysay.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
21 ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay ku dhowaad 10 kalana way ku dhaawacmeen, howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan kooxdii Khawaarijta ahayd ee halkaasi ku sugnaa iyo dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.