Ciidamada gaarka ah ee Booliska Haramcad ayaa saakay howlgal qorsheysan ku qaaday degaanno hoos taga Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose. maamulka K/Galbeed.
Howlgalkan ayaa la sheegay in lagu burburiyey maxkamaddii ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanada degmada Afooye hoostaga oo dadka loogu yeeri jiray.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in howlgalka uu kusoo dhammaaday si nabad ah, iyadoo goobaha la weerarray ay isaga carareen kooxdii Alshabaab oo sida muuqata ka warhelay weerarka kusoo socda.
Warar Xul ah