Saturday, March 15, 2025

Ciidamada Gorgor oo loo diray Degmo ay la wareegeen Alshabaab iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Ciidamada Gorgor ee ku sugan Galumudug ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, maamul ahaanna hoos tagta Galmudug, kadib markii ay shalay qabsadeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.

Weerar ay shalay degmada Matabaan ku qaadeen Alshabaab ayey dagaal la’aan kula wareegeen xarunta degmada, waxaana halkaasi isaga cararray ciidamadii maamulka Galmudug iyo ciidamadii anshuuraha qaadi jirtay Koontaroolka magaalada.

Alshabaab ayaa isaga baxay degmada Matabaan, kadib markii ay saacado heysteen shalay, waxaana maanta soo gaaray ciidamada Gorgor oo laga soo diray magaalada Guriceel, halkaasoo ay howlgallo ka wadaan.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay degmada Matabaan hadda ku sugan yihiin ciidamada Gorgor ee dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.

Matabaan ayaa waxaa hore u qabsaday sidan oo kale kooxda Alshabaab oo Qarax ku burburisay saldhigii Booliska Degmada, waxayna noqotay degmo aan maamul xoog leh ka jirin oo u dhaxeysa Hirshabeelle oo ay ka tirsan tahay iyo Galmudug oo maamusha.

Matabaan

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON