Saturday, February 15, 2025

Ciidamada Gorgor iyo Haramcad oo isku fidiyey xaafadaha magaalada Beledweyne iyo Digniin laga soo saaray..

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xalay ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee dowladda Federaalka ay isku fidiyeen xaafadaha magaalada, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya inuu maanta halkaasi tegi doono madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe.

Ciidamada uu dhowaan magaalada Beledweyne u diray madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu arkay wadooyinka iyo xaafaraha magaalada, waxaana arrintan ka dhashay xaalad kassa.

Jeneraal Abuukar Warsame Xuud oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa xalay saqdii dhexe shir jaraa’id, isgoo ka digay in si awood ah madaxweyne Cali Guudlaawe lagu geeyo magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay inay arrintaasi ka horjeedaan oo wixii ka yimaada uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Cali Guudlaawe.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inay xaaladu degan tahay, balse ay jirto xiisadda ka dhalatay tegista madaxweynaha Hirshabeelle; isla markaana uu jiro qorshe madaxweynaha Hirshabeelle ku tegayo magaalada.

Ciidamo iyo wafdi hordhac u ah Madaxweyne Guudlaawe ayaa dhowaan ka degay magaalada Beledweyne iyadoo kadibna lagu wado inuu halkaasi gawro.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON