War kasoo baxay Taliska ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay maanta caasimadda ay ahayd Da-rid ciidan oo gudaha magaalada laga sameeyay.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Rasaastii maanta ay maqlayeen dadka Muqdisho ay ahayd Dabrid iyo carbis ay sameynayeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Waxaa uu dhamaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan caasimmada gobalka Banaadir ee Muqdisho la socodsiinayaa in rasaastii maanta ay maqlayeen ay tahay dabrid iyo carbis ay sameynayeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna sameenayeen guddaha Dugsiga Tababarka General Goordan ee XDS” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Xoogga Dalka.
Baraha bulshad ayaa lagu baahiyey inay rasaas ka socoto Xerada Jeneraal Gordan oo ay degan yihiin ciidamada Duufaan loo yaqaan ee lagu soo tababartay dalka Eritrea.
