Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay rasaas ku fureen dad shacab ah duleedka Muqdisho, halkaasoo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay.
Rasaasta ay fureen ciidamada dowladda ayaa ka danbeysay markii dadweyne fara badan ay ka hor yimadeen ciidamo buburin ka waday degaanka Al-birri ee Siinka dheer, taasoo keentay inay rasaas furaan.
Waxaa goobta ku dhintay saddex qof oo isugu jira laba haween iyo canug yar, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen dad kale, iyadoo markaas kadib uu sii kordhay bannaanbaxa dadk degaankaasi uga horjeedaan ciidamada.
Meydadka saddex qof ayaa la geeyay xarunta CID ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu baari doono, waxaana weli kacsan xaalada degaankaasi.