Guddi Baaritaan ku sameeyay dilkii Guddoomiyihii Degmada Hodon marxuu C/xakiin Dhegajuun ayaa lagu ogaaday in dilkiisa uu ahaa ulakac si kas ah u dhacay oo ay geysteen ciidamo ka tirsan dowladda.
Xeer-illaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Qalabka sida Jeneral Cabdullahi Buulle Kamey ayaa sheegay in dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun uu ahaa “Dil kas ah”, sida ulakac ah warbixintii uu maanta ka guddoomay wasiirka Amniga.
Xeer ilaaliyaha Warbaahinta dowladda us heegay in dacwad soo oogidda kiisan uu bilaaban doono maalmaha soo socda, waana markii ugu horeysay ee ciidamada dowladda lagu soo eedeeyo inay kas u dilaan mas’uul ka tirsan dowladda.
Kiiskan waxaa hore loogu xitay lab taliye saldhig Boolis iyo askar gaareysa ilaa 8 oo Booliska ka tirsan, waxaana Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan lagu dilay isgoyska Aadan Cadde 21-kii Janaayo 2021.