Ciidamada Amaanka  dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay xireen weriyeyaal ka tirsan Idaacaddaha Muqdisho sida Kulmiye, Mustaqbal iyo SKY FM, weriyaha Radio Kulmiye ayaa lagu magacaabaaC/rashiid Macalin Sandheere. Xariga weriyayaasha ayaan la ogeyn sababta loo xiray, laakiin waxaa la sheegay inay warar ka diyaarinayeen qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada ee kooxda Alshabaab ku weerartay hoteelada Weheliye iyo Siyaad.
Weriyeyaasha ayaa maanta  tegay  isbitaalada  Muqdisho si ay  warar uga sameeyeen dadkii shacabka ahaa ee  ku dhaawacmay qaraxyadii  xalay, kuwaasoo la dhigay isbitaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda Soomaaliya  ayaa weriyayaasha ka qabtay Isbitaalka Madiina , iyadoo u kaxeystay meel aan la garaneyn.
Ururada saxaafadda iyo Idaacadaha ay ka tirsan yihiin ayaa ku howlan sidii weriyayaashan xaaladooda loo ogaan lahaa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″