Wararka laga helayo degmada Xarardhere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal cusub uu dhex maray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Degaanka iyo Alshabaab.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday degaano Galbeedka ka xiga degmada Xarardheere, iyagoo la wareegay, halkaasina ku dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Maxamed Biixi ayaa sheegay inay ka war heleen abaabul ay Alshabaab ka wadaan degaanada weerarka lagu qaaday ayna weerar jahooyin kala duwan leh ku qaadeen Maleyshiyaadkii oo isku aruursanayay.
Wuxuu sheegay Weerarkii saaka Alshabaab looga dilay 7 xubnood, sidoo kale deegaanka Xawaali oo 35 KM Xardheere ay Ciidanku weerareen iyagoo gacanta ku dhigay Baabuur kooxda Khawaarijtu ku ururin jireen Xoolaha Zakada, ayna baxsadeen raggii la socday.
Alshabaab ayaan weli ka hadlin weerarrada iyo dagaallada maalmihii ugu danbeeyay lagu qaaday ee duleedka Xaradheere oo qasaare badan kasoo gaaray sida uu sheegay Taliska ciidamada dowladda Somaliya.
