Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in milateriga Somalia iyo AMISOM ayaa Duqeyn ku dileen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo fara badan.
Duqeynta oo xalay ka dhacday Koonfurta degmada Awdheegle ayay sheegeen ciidamada dowladda in weerarka ka hor ay ciidamada heleen xog ku saabsan in goobta la weerarray ay isku urursanayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ah oo doonayey iney weerarro kus qaadaan degmada Awdheegle, taasoo keentay in duqeynta lagu beegsado.
Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in duqeyntan lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka badan 20, waxaana ka mida ka mida ku xigeenka Horjoogaha Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow).
Ninkan ayaa la sheegay inuu hore usoo hogaaminayey weerarro badan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan.
Ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha dagaalka iyo nooca duqeynta ee AMISOM iyo ciidamada Milateriga Somalia qaadeen iyo diyaaradaha loo adeegsaday, iyadoo dhowaan ay sidoo kale ciidamada dowladda sheegeen inay howlgal ku laayeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.