Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa kluwa kacdoonka degaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Baraagta Sheekh Caamir ee Bariga Gobolka Galgaduud.
Taliska ciidamada ayaa sheegay inay sidoo kale gacanta ku dhigeen Cabdi Cali Gadiid oo ah Horjooge ka tirsan Khawaarijta, isagoo saanad u waday kooxda Alshabaab, kasoo lasoo bandhigay.
Jeneral Axmed Maxamed Calasow (Treedisho) oo ka mida saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in degaano badan ay ciidamada kala wareegeen Alshabaab, sida dekadda macmalka ah ee Cige, halkaasoo ay ka firxadeen kooxihii Khawaarijta.