Ciidamada dowladda ayaa la wareegay Guri ku yaalla degaanka Garasbaalley oo la sheegay in laga soo tuuray Hoobiyeyaal lagu garaacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Xalane.
Ciidamadan oo isugu jira Booliiska, Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Ciidanka Polizia Militare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku baxay koox ka tirsan Alshabaab Hoobiye ka soo tuuray Degaanka Garasbaaley gaar ahaan waaxda 2-aad ee Fooriloow abaare saacadu ahayd 11:30 AM.
Madaafiicdan oo gilgilay caaismadda ayuu Boolisku sheegay inay ku dhaceen meel u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, laakiin aanay geysan wax khasaaro ah, kadibna howlgal laga fuliyay Goobtii Hoobiyaha laga tuuray gacanta lagu dhigay dhowr xabo oo Baalooto hoobiye ah, mobayladii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay oo saldhig u ahaa kooxda khawaarijta.
Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday illaa inta la helayo Khawaarijtii shacabka dhibaataynaysay. Waxaana ku sugan Ciidanka Amaanka oo baaris arrinta la xariirta.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay gurigii laga soo tuuray hoobiyeyaasha oo ciidamaddu ay la wareegeen ayaa sheegay inay baxsadeen kooxdii falkan ka dambeysay balse ciidamaddu ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan gurigan oo saldhig u ahaa.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in Guutadeeda Qaraxyada ay howlgal madaafiic ah ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho, kaasoo lagu beegsaday xerada Xalane, isla markaana dhowr madfac ku dhaceen gudaha Xalane.