Friday, March 14, 2025

Ciidamada Dowladda oo la wareegay degmadii ugu danbeysay ee Alshabaab ka heysteen Sh/Dhexe

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay saaka la wareegeen degaanka Ruunnirgood oo ahayd goobta ugu weyn ee ay Alshabaab ku harsanaayeen Gobolka Sh/Dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Macaawisley ayaa saaka galay degaanka Ruunirgood, waxaana la sheegay inay Alshabaab isaga baxeen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaatiigiga ah ee Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlo la xirriro baaritaanno dhanka amniga ah.

Ad

“Saaka lixdii aroornimo waxay ciidamada isbaheysiga ay la wareegeen degmada Ruun-nirgood” ayuu General Caanood ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay, isagoo intaas ku daray in muddo ay dagaallo ka socdeen tuulooyinka hoostaga degmadan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuulooyinka Juxa, Al-naciima, iyo Al-kowthar.

Generaal Caanood ayaa sheegay in dagaallada ka dhacay tuulooyinkaas ay maleeshiyada Al-shabaab ugu dhinteen ugu yaraan 150 Al-shabaab ah oo ay ku jiraan 5 xubnood oo ajnabi ah.

Alshabaab ayaa hadda guud ahaan lagala wareegay Gobolka Sh/Dhexe, waxaana la sheegay inay kalita ku sugan yihiin Tuulooyin yaryar.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON