Sunday, January 26, 2025

Ciidamada Dowladda oo la wareegay degaano ku dhow Aadan Yabaal iyo Alshabaab oo…

Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Degaanka ayaa maanta degaano cusub ka qabsaay Alshabaab, kadib weerar ay qaadeen oo ku wajahan degmada Aadan yabaal ee Gobolka Sh/Dhexe.

Ciidmada is agarabsanaya ayaa la wareegay degaanadda kala ah, Guulane, Daaru-salaam iyo Xarga-dheere oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, waxayna ku sinqayaan xarunta Aadan yabaal oo ah halka ugu danbeysa ee Alshabaab ka taliyaan Gobolka Sh/DShexe.

Afhayeenka Ciidanka xoogga Soomaaliyeed Gen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgalku u socdo si taxadar leh, isla markaana degaanada la qabtay maanta ay ujeedku tahay in Alshabaab laga saaro Aadan Yabaal.

Ad

Alshabaab ayaa la sheegay inay dib ugu guratay Aadan yabaal, kadib weerarkii ay ugu danbeeyay, waxaana wararka qaar sheegayaan inay banneeyeen intooda badan Degmada weyn ee Aadan yabaal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON