Friday, March 28, 2025

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Degaankii ay tageen Alshabaabkii ka qaxay Aadan yabaal

Ciidmada dowlada iyo kuwa degaanka ee Macaawisleyda yaa maanta la wareegay Degaanka Alkowthar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Degaankan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xarumaha ugu waaweyna ee Al-shabaab ku lahayd Sh/Dhexe, ayna tageen Alshabaabkii ka qaxay degmada Aadan yabaal oo dhowaan ay la wareegen ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyay qabashada Tuuulada Al-kowthar ee Alshabaab ay rabeen inay isku urursadaan, isagoo sheegay in looga daba tagayo goobaha ay u carareen.

Ad

Tuulada Al-kowthar ayaa hoostagan degmada Aadan Yabaal, waana degaankii ugu danbeeyay ee Alshabaab laga qabsado oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe. Ruun-Nirgood ayaa ah degaanka kaliya ee weli ku jirta gacanta Alshabaab, Gobolka Sh/Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON