Wednesday, May 1, 2024

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Degaan ay Alshabaab ka talineysay 13 Sano

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ay saaka la wareegeen degaan ay muddo dheer gacanta ku hayeen Alsahbaab.

Ciidamada xoogga Dalka oo kaashanaya maleeshiyada degaanka ayaa la wareegay degaanka Booco oo 45-KM dhinaca koonfur ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen degaanka Booco k ahor inta aysan gaarin ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka la socda ee halkaasi ku wajahnaa.

Ad

Qabsashada degaanka Booco waxaa xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo sheegay in ciidamo uu hoggaaminayo ay saaka la wareegay degaanka Booco, ayna xilligan howlgallo ka wadaan xaafadaha degaankaasi.

Alshabaab ayaa dib u gurasho ku jira Gobolka Hiiraan oo degaano badan ay ka socdaan dagaallo looga horjeedo, iyadoo degaano badan ay isaga baxeen maalmihii ugu danbeeyay.

Deegaanka Booco ayaa Al Shabaab waxa ay maamulayeen muddo ka badan 13-sanno, waxaana deegaankan Al Shabaab u ahaa fariisin muhiim ah ay kasoo abaabulaan qaraxyada iyo weerarada, waxa ay sidoo kale ku lahaayeen maxkamad weyn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON