Sunday, March 16, 2025

Ciidamada dowladda oo la heshiisiinayo & Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay [DHAGEYSO]

Shir looga hadlayo xiriir fiican oo dhex mara ciidamada dowlada si looga baaqsado isku dhacyo kale oo dhex mara ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka  oo ka dhacay xarunta tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ka ka qayb galay  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya  Wasiiro ka  tirsan Xukumadda,  Taliyeyaasha iyo sarakiisha Ciidanka qalabka sida ee Dalka waxaana ahmiyad lagu saaray adkaynta iyo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida si meesha looga saaro isku dhacyada yar ee mararka  qaar dhexmara ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ku hadlayey Magaca Taliyeyaasha ciidanka qalabka  sida ayaa  shirka ka aqriyey qodabo  lagu xoojinayo wada shaqaynta ciidanka  qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

“In ciidamada ay si mideysan u wada howlgalaan, oo ay si wada jir ah ugu dadaalaan howlgallada ka dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda, inay is xoshmeeyaan oo ay isxaqdhooraan, in ciidamada ay si daacad ah ugu wada adeegaan shacabka iyo in Ciidamad aysan kala duwan oo ay ogadaan inay yihiin ciidan qura oo ay dhowraan nidaamka ciidanka u degsan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

Ad

Wasiirka Cadaladda ee xukumadda Soomaaliya  Abuukaate  Xasan Xuseen Xaaji Xuseen ayaa sheegay si horumar laga gaaro ammaanka dalka ay muhiim u tahay dhaqalaha, isagoo ku booriyay inay ciidanka is xaqdhowraan.

Ra’iisul wasaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre  oo khudbada dheer u jeediyey sarakiiasha ciidanka ayaa taliyeyaasha ciidanka ku amray in looga bahanyahay in ay ka shaqeeyaan walaalaynta  iyo wada shaqaynta  ciidanka  qalabka sida dhexdooda ah, ayna meel iska dhigaan  wax  kasta oo keeni kara kala qob qobnaan dhex marta ciidankeena.

“Madaxda ciidamada kow waa inaad ogaataan inaad hal magac wada leedihiin, oo aadan kala ahayn Nabad sugid, boolis iyo militeri, ogaada inaad tihiin ciidan Soomaaliyeed, inaad ka shaqeyneysaan Soomaalinimo, maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali,  Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

- Advertisement -

Ciidanka qalabka sida  ayaa ah astaan lagu cabiro jirtaanka iyo sharafta dalka kasta  oo caalamka ah , ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waa kuwa  lagu tilmaami jiray in ay yihiin libaaxyadda  Afrika, waana rajada kaliya oo ay leeyihiin umadda Soomaaliyeed mar kasta oo ay dhibaato   iyo cadow doonayaan in  dhibaato gaarsiiyaan    sharafta Umadda Soomaaliyeed taana waa mid ay gudan karan marka ay la yimadaan wada shaqayn dhexdooda ah.

DHAGEYSO RA’IISAL WASAARE KHEYRE

 

Warar Xul ah
SourceRM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON