Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud  ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga oo dowladda Soomaaliya u dirtay ay maanta howlgal milateri oo xoog leh ka bilaabeen gobolkaasi, iyagoo weerar ku qaaday degaanada Jacar iyo Dari oo ka tirsan degmada Ceelbuur Gobolka Galgaduud.
Howgalka ayaa ku bilowday dagaal culus  oo ka socda degaanadaasi, iyadoo dadka degaanka ay soo weriyeen hub culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan, kooxda Alshabaab oo degaanadan gacanta ku heysay ayaa la sheegay inay gurmadyo u yimaadeen.
Dagaalka oo weli socda ayaan wa faahfaahin ah laga bixin qasaaraha labada dhinac kasoo gaaray, waxayna degaanada Dari iyo Jacar ee Gobolka Galgaduud ka mid yihiin saldhigyada Alshabaab ku leeyihiin goboladda dhexe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo u dirtay maamulka Galmudug, waxayna isu diyaariyeen howlgal looga xoreynayo Alshabaab degaanada Gobolka Galgaduud iyadoo aanay muuqan door ay ciidamada Itoobiya ee ka mida AMISOM ku leeyihiin.
Goobjooge.com