Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday ciidamada dowladda ee saaka la wareegay degaanka Tuulo Barwaaqo, duleedka magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Qarax ayaa lasheegay inuu haleelay gaari kuwa dagaalka ciidamada ah, kadib markii ay ku qaraxday Miino, waxaana ciidamadiia laa socday kasoo gaaray qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu Qaraxa ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cagdheer Deerow Macalin halka sidoo kale ay ciidamo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.
Saaka ayey ciidanka xoogga dalka guutadda 10-aad ee gobolka Gedo ayaa la wareegeen tuulo Barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo oo hore ay gacanta ugu haysay kooxda Al shabaab oo ay saldhig ku lahayd.
Maleeshiyadii Alshabab ayaa markii hore ka baxay degaankaasi, waxaana kadib gaaray ciidamada dowladda, sidoo kale Ciidanka xoogga dalka la wareegeen saldhigii Kabis ee Alshabaab xarunt u ahayd.

