Friday, March 14, 2025

Ciidamada dowladda oo caawa dib ula wareegay degmada Ruunirgood

Wararka caawa laga helayo Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Milateriga Soomaaliya ay caawa galeen degmada Ruunirgood, kadib weerar baaxad weyn oo ay ku qaadeen.

Dagaalka labada dhinac dhex maray oo ahaa mid kooban ayaa la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen inta badan degmada oo maalin ka hor laga soo saaray.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ku sugan yihiin degmada Runirgood caawa, kadib markii maleeshiyadii Alshabaab ay ka baxeen galabta.

Ad

Xaaladda ayaa degan iyadoo ciidamo fara badan ay dowladu u dirtay degaankaasi, kuwaasoo la sheegay inay howgal weyn gobolka Shabeelaha Dhexe uga sifeyn doonaan kooxda Alshabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa hor kacaya ciidamada dowladda ee howlgalka bilaabay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON