Ciidamada dowladda iyo kuwa Macaawisleyda ayaa galabta la wareegay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud, iyadoo aan dadgaal ka dhicin.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa xaqiijiyay in iidamada dowladd ay si buuxda ula wareegeen magaalada Wabxo iyo deegaano kale oo ku dhow oo in muddo ah Alshabaab heysteen.
Ciidamada dowldda iyo Macaawisleyda degaanka ayaa ayaa isku fidiyey agagaarka Wabxo, iyagoo ka wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, loogana sarayo miinooyinka.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaciyey in howlgalka ciidamada lagu xoreeyey Khawaarijta, sida magaalada Wabxo.
Wuxuu sii raaciyay sheegay in ciidanku ay ku sii siqayaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, sidoo kalena ay ciidanku maanta la wareegeen deegaanada Jaaw Gaagaale, Gal-qoryaal, Biddeciise oo Galgaduud ka tirsan.