Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay goor dhoweyd qabsadeen degaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe oo Alshabaab ku harsanaayeen.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa Alshabaab kala wareegay degmada Ruun nirgood iyo deeganka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelada Dhexe oo ka mida degaanadii ugu danbeeyay ee Alshabaab gacanta ku hayeen.
Saraakiisha xoogga dalka ayaa laga soo xigtay inay ciidamada dowladda inta badan la wareegaeen Ruun-Nirgood iyo Hilowe Gaab, balse ay wadaan baaritaan iyo hubinta Miinooyin laga cabsi qabo inay ku aaseen.
Howlgalka waxaa fuliyay Guutooyinka Cumar Binu-Khadaab, Guutada 17-aad kumaandooska Gor-gor, iyo Guutada 19- ee Ilaalo Qaran, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Ibraahim sheekh Muxyadiin Cadoow.
Ruun Nirgood ayaa ahayd degmadii ugu dambeeysay oo Al-shabaab ay kaga sugnaayeen Shabeelada Dhexe, oo horaantii sanadkan laga xoreeyay Alshabaab.