Rasaas ayaa caawa laga maqlay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib xiisad u dhaxeysay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu suna.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu suna oo watay Gaari kuwa dagaalka ah oo uu saarnaa Qoriga B-10 ay isku dayeen inay la baxsadaan gaariga ayna u galaan ciidamada dowladdam, taasoo keentay in ciidmadii Ahlu suna ay rasaas ku furaan, iyadoo ay rasaas kale ku jawaabeen ciidamada dowladda.
Ciidamada Ahlu suna ee ku sugan Saldhiga Booliska Guriceel ayaa baacsaday Gaariga tiknikada ah ee isku dayey inuu ka baxsado, waxaana ay ku guuleystay inay dib u soo ceshadaan markii uu ka bixi waayey meel ay biyo fadhiyeen.
Waxaa magaalada Guriceel ku sugan Wasiir Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Galabta dib ugu laabtay Guriceel markii ciidamo la socday ay Ahlu suna ka qabsadeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiran oo iska hor imaad kooban uu dhex maray Ahlu suna.