Friday, October 11, 2024

Ciidamada Dowladda iyo Macaawisley ku dagaalamay Degmada Maxaas

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa beelaha degaanka ay Galabta ilaa caawa ku dagaalameen degmada Maxaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda, Guutada Cali Ibnu Abii Daalib uu toogasho ku dilay nin ka mida dadka degaanka, taasoo kentay in maleeshiyada Macaawisleyda ay weerar ku qaadeen ciidamada.

Iska hor imaadka labada dhinac oo keenay dagaal iyo xiisad ka dhalatay ayaa waxaa lagu dilay askari ka mida ciidamada dowladda, waxaana jira dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac.

Ad

Xaalada ayaa markii danbe waxaa soo dhex galay mas’uuliyiinta degaanka iyo saraakiisha sare ee ciidamada, iyadoo xaaladda la dejiyay, waxaana socda dadaal arrintaasi xal loogu helayo.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in dagaalku ahaa mid si kedis ah uga dhex qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, laguna  in la hakiyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON