Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada degaanka iyo kuwa dowladda ay go’doomiyeen degaanka muhiimka ah ee Wabxo, Gobolka Galgaduud.
Ciidamada degaanka ee Beesha Murusade oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka iyo Danab ayaa weerar Galabta ku qaaday degaanada u dhow Waxbo, waxayna qabsadeen degaanka Ceel Gorof, iyagoo go’doomiyey Wabxo oo ay Alshabaab isaga baxeen.
Ciidamada Danab ayaa la sheegay inay ku jiraan sidii ay u hubin lahaayeen Miinooyin laga cabsi qabo in lagu aaday magaalada iyo wadooyinka laga galo, waxayna ciidamada dul degan yihiin caawa degaanka Wabxo oo muhiim ah.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in degaanka Wabxo ay la mid tahay magaalada Wabxo in ka qabsaday, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle.
