Tuesday, September 17, 2024

Ciidamada Dowladda iyo Jubaland oo la wareegay degaan dhowaan lagu duqeeyay Alshabaab

Wararka laga helayo Gobolka J/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Milateriga Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degaanka Weel-Maarow oo 40 KM u jira degmada Afmadow.

Degaankan ayaa dhowaan weerar duqeyn ah oo ka dhacay waxay diyaaraha Drone-ka Maraykanka ka geysteen saddex duqeyn oo ay sheegeen inay ku dileen ilaa 10 Alshabaab ah, taasoo keentay in maleeshiyada Alshabaab ay isaga cararraan halkaasi.

Ciidanka Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay saaka gudaha u galeen degaanka Weel-Maaroow oo dhinac Waqooyi Bari ka xiga degmada Afmadow, kadibna la wareegeen.

Ad

Dhaqdhaqaaq xoog leh oo milateri ayaa ka socda Gobolka J/hoose, iyadoo ay qeyb ka yihiin ciidamada Danab ee fadhigoodu yahay Kismaayo iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo dhinac hawada ka taageeraya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON