Tuesday, October 3, 2023

Ciidamada dowladda Gacanta ku dhigay Jeneraal Sheegow, kadib dagaal socday saacado

Ciidanka Booliska ee sida militariga u tababaran ayaa Goor dhoweyd gacanta ku dhigay Jeneraal Sheegow Axmed Cali, kadib dagaal xalay oo dhan ka socday xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Dharkeynley.

Ciidamada Booliska-militeriga ah ayaa markii labaad xalay fiidiid isku dhacay, iyadoo la sheegay inuu iska hor imaadka ka yimid markii ciidamada jeneraalka ay ku kaceen falal amni darro, kadibna ay arrinta isu bedeshay dagaal dhex mara labada ciidan.

Dagaalka ciidamada Jeneraal Sheegow iyo ciidamada dowladda ayaa socday muddo 12 saacadood ku dhow,a waxaana ugu danbeyn lasoo afjaray saaka 9:00, markii gacanta lagu dhigay Jeneraalka.

Ad

Saddex meyd ah ayaa laga qaaday Guriga Jeneraalka, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo gaaray ciidamada iyo ilaalada Jeneraalka. Amarka soo qabashada Jeneraal Sheegow ayaa la sheegay inay bixiyeen madaxweynaha iyo taliyaha ciidamada xooggad alka.

Dadka deegaanka ayaa ka sheegtay falal dhac ah oo ay kula kaceen ciidan ka amar qaata sarkaalkan oo marar badan sanadihii hore ku lug yeeshay isku dhacyo Wadooyika Muqdisho ka dhacay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!