Friday, March 28, 2025

Ciidamada Degaanka iyo kuwa Dowladda ee Hiiraan oo Dagaal cusub bilaabay, lana wareegay…

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladdda ee Milateriga iyo kuwa degaanka ee xoreynta gobolka Hiiraan ayaa dagaal cusub dib u bilaabay, iyado la wareegay degaano ay hore uga baxeen.

Ciidamada iskaashanaya ayaa saaka u ruuqaansaday dhinacyada Buuloburte iyo Moqokori, waxayna dib ula wareegeeny degaanka Yasooman ee Bariga Hiiraan, halkaas oo maalmo ka hor ay ka baxeen, kadibna kusoo laabteen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka cusub ay qeyb ka yihiin Ciidamada xoogga dalka ee Danab oo ka yimid Gobolka Galgaduud iyo Diyaaradaha Drone-ka oo hawada kaa taageeraya, waxaana Yasooman isaga baxay Alshabaab, iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin.

Ad

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha oo Ciidamada hoggaaminaya ayaa goob fagaaro ah kula hadlay dadka degaanka Yasoomaan, wuxuuna u sheegay inaysan dib dambe u dhici doonin inay dib uga gurtaan degaanka.

Sawirrada ciidamadii ugu badnaa ee kuwa degaanka oo ku sugan Yasooman ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxayna wararku sheegayaan in ciidamo kale ay kusii jeeedaan degaanka Ceelqooxle ee Moqokori oo Khamiistii hore uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo dhimasho badani ka dhacday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON