Monday, February 10, 2025

Ciidamada DANAB oo shaaciyey sida loo dilay Madaxii Qaraxyada Alshabab ee Gobolka Sh/Hoose Max’ed Bulush

Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidamadda Kumaandooska ee Xoogga Dalka howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyeen Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose oo halkaasi ay ku dileen Horjoogihii Al-Shabaab uqaabilsanaa waxyaabaha qarxa ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Horjoogahan ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cismaan Xuseen (Buluush), waxaana la sheegay inuu markii horjoogahan arkay Ciidamadda uu lasoo baxay qori AK 47,  islamarkaasna uu la dagaalamay, kadibna Ciidamadda kumaandooska ay toogteen.

Howlgalkan ayaa warku sheegay in loogu dan lahaa in lagu soo qabto horjoogahan, balse uu dagaalamay sidaasina ay kutoogteen Ciidamadda kumaandooska.

Ad

Horjooge Maamed Cismaan Xuseen ayaa la sheegay inuu bedelay Maxamed Siidoow oo 28 December 2019 lagu dilay Duqeeyn ka dhacday Tuulada Caliyow Baroow sida uu sheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gle/ISmaaciil Cabdi Maalik.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON