Ciidamada Danab ee Xoogga dalka ayaa isku fidiyey agagaarka degmada Aw-dheegle oo ay shalay ka qabsadeen maleeshiyaadka Alshabaab, iyagoo howlgallo ka wada tuulooyinka hoos yimaada degmadasi.
Kumaandooska Soomaaliya ayaa saaka la sheegay inay gaareen deegaanka Malable ee hoostaga degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, kadib markii ay ka baxeen Alsahbaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamadaasi sheegay inay wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay ku xaqiijuiyana amniga Aw-dheegle oo shalay ay ka baxeen Alshabaab.
Dhinaca kale Alshabab ayaan weli wax war ah kasoo saarin degmada laga qabsaday ee Aw-dheelge oo laba sano ka hor ay la wareegeen markii ay isaga baxeen ciidamii AMISOM ee Uganda oo halkaasi saldhigii ay ku lahaayeen weerar culus kala kulmay.