Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka safka hore ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaamaanta shir uga furmay Muqdisho, kaasoo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo 2023.
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraal ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore oo lagu soo koobay afar qodob ay ugu muhiimsan yihiin in ciidamada Somaliya iyo dalalkaasi ay howlgallo ka dhan ay Alshabaab wada fuliyaan iyo inay codsadaan in Soomalaiya laga qaado xayiraadda Hubka.
Qodobadda ay faafisay madaxtooyada waxay kala yihiin:
1- Taageerada gulufka Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.
2- In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore.
3- Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada.
4- Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.
