Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Amiirka Dalka Qatar Tamin Bin Hamad ayaa wadajir uga qeyb-galay munaasabad ay ku qalanjebiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun.
Saraakiisha saddexda dal ayaa loo tababaray howlgallada Taakuleynta Ciidamadan Cirka, waxaana kaalinta koowaad galay sarkaal ka socday Soomaaliya oo lagu magacaabo Saciid Cali Cabdilaahi.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Doha kula kulmay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka Geeska Afrika.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Amiirka Dalka Qatar ay dowladiisa ay garab taagan yihiin dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.
Dowladda Qatar ayaa ka mida dalalka si toosa ah u garab istaagay midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib faragelintii Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya iyo heshiiska ay la saxiixatay maamulka Somaliland.