Friday, March 28, 2025

Ciidamada Booliska oo howlgal ku khaarijiyey Horjooge ka tirsanaa Alshabaab & 3 xubnood oo la qabtay

Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir ku dilay Horjooge ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo lagu magacaabi jiray Sayid Abuukareey .

Dilka Abuuker Xasan Caddde oo magaca Maleeshiyada Al shabaab u yaqaaneen uu ahaa Sayid Abuukareey ayaa qaabilsanaa amniyaadka qeybta bari ee gobalka Banaadir, wuxuuna si gaara uga howlgali jiray Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, iyadoo tan iyo sanadkii 2015 uu sedex jeer ka baxsaday Ciidammada Amniga oo baadi goobayay.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay saddex ka mid ah Maleeshiyadii la socotay oo ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble xaqiijiyey arrintan isagoo la hadlay warbaahinta dowladda.

“Ciidanka Booliska waxay maanta ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah Maleeshiyo la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen”.ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir

Ad

Horjooge Sayid Abuukareey ayaa lagu eedeeay inuu ka dambeeyay Dilalka 3 masuul, 5 askari, 23-ruux oo Shacab ahaa iyo kuwa kale sida Afhayeenka Booliska uu sheegay. Waxaana muddo ay xogtiisa hayey Ciidammada Amniga. Sedexda Maleeshiyo ee la socotay Horjooge Sayid Abuukareey ee iyagoo dhaawacyo la qabtay ayaa la dabiibayaa Xaaladooda caafimaad, iyagoo markii ay bogsadaan Sharciga la horgeyn doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON