Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo ka howlgala Soomaaliya ayaa toddobaadkan baneeyay laba Saldhig oo ka mida kuwa difaaca hore eedegaanada Alshabaab ku dhow, iyadoo xarumahaasi lagu wareejiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saldhigii ugu danbeeyay waxay shalay ciidamada ka socda dalka Burundi ee fadhigoodu yahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ku wareejiyeen Ciidanka Somaliya.
Madaxa Injineeriyada Militariga ATMIS G/Sare Suleymaan Ibraahim ayaa sheegay inaysan jiri doonin meel bannaan inta ay socoto dhimista ciidamada., wuxuuna bogaadiyay hawlkarnimada iyo nafhurnimada ay Ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada Burundi ee ATMIS ee sii baxaaya ay ku bixiyeen xasilinta gobolka.
Dhinaca kale isla toddobaadkan waxay ciidamada ATMIS banneyeen Saldhiggii Howlgalka ee Bariire oo ay ku wareejiyeen ciidamada Milateriga Soomaaliya, waxayna ahayd wareejintii koowaad ee wejiga 3-aad ee dhimista ciidamada ATMIS oo lagu dhimayo 4,000 oo askari ilaa dhammaadka bishan June 2024.
Magaalada Jowhar ayaa ah xarunta KMG ah ee maamulka Hirshabeelle. Saldhiggan ayaa noqonaya kii 2-aad ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay soo baxday in dowladda Soomaalia ay codsatay in bixitaanka ciidamada ATMIS si tartiib ah loo wado, cabsi ku saabsan inay Alshabaab la wareegeen goobaha ay ka baxayaan darteed, arrintaas oo dowladda Soomaaliya ay beenisay.