Ciidamada Uganda ee ka tirsan ATMIS ayaa dib ula wareegay magaalada Buulomareer, kadib weerarkii Jimcihii hore ay Alshabaab ku qaadeen ee qasaaraha badan dhaliyay.
Ciidamo xoog leh oo Ugandes ah ayaa shalay dib ula wareegay Buulomareer, sida ay sheegtay Wasaaradad Difaaca Uganda, waxayna Miino baaritaan ka sameeyeen wadooyinka soo gala magaalada, iyagoo sheegay inay nadiifiyeen wadooyinka.
Ciidamada howlgalka ka qeyb qaatay ayaa isugu jira ciidamada lugta iyo kuwa madaafiicda, iyagoo la kulmay iska caabin kooban dabley ka tirsan Al-Shabaab oo saarnaa dhismayaal ku yaalla magaalada. Jeneraal Peter Gaetano Omola, oo ah taliyaha qeybta koowaad ayaa saldhigga Golweyn ka hoggaaminayey howgalka.
Dhinaca kale ciidamada Uganda ee ATMIS iyo Alshabaab ayaa madaafiic isku weydaarsaday, degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, taasoo timid markii Alshabaab ay xalay madaafiic ku weerarreen xerada ciidamada Ugandha ee Koonfureed ee degmada Qoryooley.
Ciidamda ATMIS ayaa madaafiic ugu jawaabay Alshabaab, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ay dhaliyeen Madaafiicda la is weydaarsaday.
Toddobaadkan waxay Alshabaab weerarro xoog leh ku qaaday saldhigyada Buulomareer ee ATMIS iyo Mesagowaay ee ciidamada dowladda Federaalka, iyadoo labada weerar uu qasaare xoog leh ka dhashay, waxaana weli hakad ku jira dagaalkii dowladda Federaalka ee wejigiisii labaad joogsaday.


