Friday, April 12, 2024

Ciidamada Amniga oo toogasho ku dilay Madixii Alshabaab ee Lacag ururinta Ganacsatada

Ciidamada Amniga ayaa toogasho ku dilay Horjooge Alshabaab u qaabilsanaa dhaqaale ka ururinta Ganacsata iyo Dadka Shacabka ah ee magaalada Muqdisho.

Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo ayaa lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegay inuu Alshabaab wakiil uga ahaa in Ganacsatada iyo Shacabka Muqdisho, isagoo Lacago baad ah ka qaadi jiray, una diri jiray telefoono uu ugu soo hanjabayo.

Ninkan ayaa la sheegay inuu Ganacsatada ugu yeeri jiray degaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha Lafoole ilaa Galka Saalimow. Ciidanka amniga ayaa ku daba jiray, waxaana ugu danbayn lagu dilay howlgal ciidamada Amniga.

Ad

Cali Raaxo ayaa Alshabaab ka mid noqday sanadkii 2014-kii wuxuuna ilaa markaas u qaabilsanaa ururinta hantida iyo basaasida dadka lacagta leh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON