Ciidamada Booliska ayaa soo bandhigay nin ku lebisan dareyska ciidanka oo hubeysan, kaasoo la sheegay inuu geystay fal Dil iyo dhac isugu jira oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa waxaa gacanta ku dhiday ciidamada Booliska Degaanka Garasbaaley, waxayna sheegeen in loo haysto Burcadnimo hubeysan, kadib markii uu dad Shacabka ee degaanku ay cabasho ka keeneen kooxo burcad ah oo dhac u geysta.
Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheega in Ninkan hubeysan dagaal la galay ciidanka, isagoo rasaas ku furay Ciidamada Amniga, markii uu dilay Qof shacab ah, isla markaana uu dhaawacay laba qof oo kale.
“Ciidanka ayaa Nikaan ka qabtay Waaxda 3-aad ee degaanka Garasbaaley, xilli uu qof dumar ah ka qaatay teleefan waxa uuna watay Qoriga loo yaqaan M-16” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Boliiska.
