Ciidamada Amnig magaalada Muqidsho ayaa saakay gacanta ku dhigay Nin la sheegay in qarax bambaano ku weerarri rabay ciidamo sugnaa bar ka tirsan degmada Hodon.
Ninkan oo lasoo bandhigay ayaa la sheegay inuu bam gacmeed ku tuui rabay fariisin ciidamadu ku lahaayeen xaafada jaamacadaha, waxaana markii uu goobta ka baxsaday dabagalay askar, markii danbe gacanta kusoo dhigay.
“Ciidanka ammaanka Caasimadda ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ku soo qabtay dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab kaas oo watay Waxyaabaha Qarxa, isla markaana doonayay inuu ku weeraro Bar ay joogeen Ciidanka ammaanka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Booliska.
