Ciidamada amniga magaaada Muqdisho ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askari lagu eedeeyay dilka gabar ardayad 9 sano jir ah oo shalay ku dhimatay is-rasaaseyn ka dhacday agaagarka Isbitaalka digfeer, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Askariga iyo saddex kale oo ilaalo ah Jeneraal ka tirsan Milateriga ayaa ku eedeysan Deeqo Daahir Faarax, iyadoo xabsiga loo taxaabay, waxayna rasaastii ay rideen dishay ardayad dhigata Dugsiga Hoyga Xamar oo Baskii ay saarneyd ay rasaastii ugu tagtay, waxayna Hay’adaha amniga sheegeen in askartan oo milateri ah lagu qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada Booliska.
Xarunta CID-da ee Dembi baarista ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu xiray askartan, waxaana la dhaqaajiyey baaris ku saabsan dilka gabadha yar oo naxdin weyn ku dhalisay baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto.
Gabar Arday ah oo lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho